Sign in to follow this  
Deeq A.

Masar Iyo Itoobiya Oo U Ololeynaya Inay Aqoonsi Hesho Somaliland.

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Dowladda Itoobiya ayaa khad cas u xariiqday Somaliland kana digtay inay ka gudubto, iyada oo sheegtay in saldhigga Masar ay dooneyso inay ka sameysato Somaliland uu yahay mid aan la aqbali karin.

Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibedda Itoobiya Dina Mufti ayaa yidhi “Masar waa dal madax-bannaan oo xaq u leh inuu xidhiidh la yeesho dal kasta oo gobolka ah ah, hase yeeshee taasi ma ahan inay ku timaado ayada oo la waxyeeleynayo xasiloonida Itoobiya.

”Waxaa dhowaan jiray warar sheegaya in Masar ay saldhig millatari ka sameysaneyso Somaliland, xilli ay ayada iyo Itoobiya ka dhex aloosan tahay xiisad ka dhalatay biyo-xidheenka ay Addis Ababa ka sameyneyso webiga Nile.

Dabayaaqadii July, wafti ka socday Qaahira ayaa la kulmay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi, iyaga oo sida la sheegay kala hadlay qorshaha saldhigga.

“Arrinta saldhigga annaga waa noo khad cas,” ayuu yidhi Dina Mufti, afhayeenka wasaaradda arrimaha dibedda, oo intaas ku daray in Itoobiya ay xidhiidh saaxiibtinimo la leedahay Somaliland, inkasta oo aan dal ahaan loo aqoonsaneyn.

Masar iyo Itoobiya ayaa labaduba siyaabo kala duwan ugu ololeynaya Somaliland, sababa la xidhiidha ahmiyadda halka ay khariidadda kaga taallo, taasi oo taxliiliyayaasha qaar ay rumeysan yihiin inay soo dedejin karto aqoonsi ay hesho Somaliland.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this