Sign in to follow this  
Deeq A.

DF oo shaacisay inay howl-gal ku dishay xubno ka tirsan Al-Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Taliska ciidamada Xoogga dalka ayaa ka warbixiyey howl-gal qorsheysan oo ciidamada dowladda ay ka sameeyeen inta u dhexeysa Muqdisho iyo Marka ee gobolka Sh/Hoose.

Afhayeenka ciidanka Xoogga, Korneyl Cismaan Shabeel ayaa sheegay in howl-galkaasi lagu dilay labo xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, sidoo kalena lagu soo qabtay 8 kale.

Korneyl Shabeel ayaa sidoo kale intaasi ku daray in ciidamada dowladda ay sii wadi doonaan dhaq-dhaqaaqyada ay ka wadaan gobolka Sh/Hoose.

Muddooyinkii la soo dhaafay ayaa waxaa ciidamada huwanta ay sare u qaadeen dhaq-dhaqaaqyada milatari ee ay ka wadaan koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this