Sign in to follow this  
Deeq A.

Itoobiya oo ka digtay in Masar saldhig milatari laga siiyo magaalada Berbera

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Ethiopia ayaa Jimcihii shalay sheegtay in Xiriirka Masar ay doonayso in ay la samaysato dalal ku yaalla Bari Afrika, ay waajib tahay in aysan waxyeelin danaha Ethiopia.

Af-hayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Ethiopia Dina Mufti, ayaa sheegay in Masar ay tahay waddan madax-bannaan oo xaq u leh, in ay xiriir la yeelato dal kasta oo ku yaalla gobolka, balse ay waajib tahay in xiriirkaasi uusan wax yeelin xasiloonida Ethiopia.

Dhowaantanba, waxa soo baxayay warar sheegaya, in Masar doonayso in ay saldhig Militari ka samaysato Somaliland, gaar ahaan magaalada xeebta ku taalla ee Berbera.

Dabayaaqadii bishii Luuliyo, wefdi ka socda Dowladda Masar ayaa la kulmay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, waxaana sida la soo weriyay ay ka dalbadeen in ay saldhig Militari ka samaystaan Qaybta Waqooyi Galbeed ee Gobolkaasi Somaliland.

Af-hayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Ethiopia, wuxuu sheegay in ay si dhow ula socdaan Arrintaas, islamarkaana ay Khad cas uga dhigantahay Ehiopia, isagoo intaas ku daray in ay Xiriir saaxibtinimo la leeyihiin Somaliland, inkastoo aysan Dowlad madax-bannaan u aqoonsanayn.

Falanqeeyaasha qaar, ayaa u arka Tallaabada Masar mid ay uga aar-gudanayso Dowladda Soomaaliya, oo taageertay Xaqa Ethiopia u leedahay Dhismaha Biya-xireenka Webiga Niilka, ee ku kacaya $ 5 Bilyan oo Dollar, kaas oo ay ku muransan yihiin Masar iyo Ethiopia.

Kadib markii ay fashilmeen Wada-hadalladii Maraykanku maalgeliyay ee la qabtay bishii Febraayo,  kuwaas oo u dhexeeyay Masar Ethiopia iyo Suudaan, Midowga Afrika wuxu bishii June isku keenay saddexda dal, si loo sii wado Wada-xaajoodka.

Todobaadkii tegay, Dowladda Ethiopia waxay soo bandhigtay Soo jeedin ku saabsan Buuxinta Biya-xireenka waxayse kala kulantay Kalsooni-darro ay ka muujiyeen Masar iyo Suudaan, oo dalbaday in wakhti dib loo eego.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this