Deeq A. Posted August 8, 2020 (SLT-Denmark)-Cabdulcasiis Axmed Cumar waa nin Soomaali ah oo muddo 5 sano ah ku noolaa dalka Denmark, gaar ahaan magaalada lagu magacaabo Tarm, dhawaan ayaa dowladda dalkaasi Denmark waxaa ay u sheegtay in sharcigii ay kala noqotay, kadib markii uu sharcigii ka dhacay iskuna dayay in uu dib u cusboonaysiisto. “Waxaan ahay muwadin Soomaaliyeed oo ku sugan wadankan denmark, waxaana jooga Denmark muddo 5 sanno ah, sharcigi waddanka ayaa iga dhammaday 2019 bishi July, waxaan tagay halka laga soo cusbooneysiyo sharciga waxa ay iyidhahdeen anaga jawaabta ku siindoona. “bilo kadib jawabtii ayaa noqotay waxaan kala noqonay ogolaanshihii waddanka aad ku joogtay, waa in aad waddanka kaga baxdaa muddo 7 maalmood ah ama aad ku qabsataa Looyaro”.ayuu yidhi C/casiis Axmed Cumar. Sannadihii ugu dambeeyey waxaa sii kordhayay dhibaatooyinka dhanka sharciyada ah oo ay dadka soo galootiga ah kala kulmayeen dowladaha reer Yurub, iyadoo ay jiraan dad badan oo ilaa iyo haatan sharciyo aan helin, kuwo sharciyada lagala noqday iyo dhibaatooyin kale. Source Share this post Link to post Share on other sites