Sign in to follow this  
Deeq A.

Diyaaradda labo qeybood u kala go’day iyadoo wadda 191 qof oo Rakaaba

Recommended Posts

Deeq A.   

Diyaaradda labo qeybood u kala go’day iyadoo wadda 191 qof oo Rakaaba

plane.jpg
Diyaaradda ayaa u kala go’day labo qeybood

Mid ka mid ah diyaaradaha shirkadda Air Indian Express, oo ay la socdeen 191 qof oo rakaab ah ayaa ku burburtay garoonka diyaaradaha ee Calicut, oo ku yaalla Kerala ee koonfurta dalkaas, sida ay saraakiil sheegeen.

Mas’uuliyiinta waaxda duulista hawada ee Hindiya ayaa sheegay in diyaaradda oo kasoo duushay magaalada Dubai, ay cagaha la weysay waddada ay ku cararaan diyaaradaha, kaddibna ay u kala go’day labo qeybood.

Howlgal badbaadin ah ayaa hadda socda, waxaana goobta gaaray shaqaalaha gurmadka degdegga ah.

Ugu yaraan labo ruux, oo uu ku jiro duuliyihii diyaaradda, ayaa geeriyooday, sida ay dad xog-ogaal ah u sheegeen BBC-da.

Rakaab kale oo badan ayaa dhaawacmay, sida aan kasoo xigannay afhayeen u hadlay shirkadda leh diyaaraddaas.

Maamulka diyaaradda ayaa sheegay in tirada rakaabka ay ahayd 184 ruux oo ay ku jiraan 10 carruur ah iyo lix shaqaalaha diyaaradda ah, ayna ka mid yihiin labo duuliye.

Duullimaadka ayuu lambarkiisa ahaa IX-1344.

Garoonka Calicut wuxuu ka mid yahay kuwa ugu waaweyn ee ku yaalla gobolka Kerala, duullimaadyada ugu badan ee caalamiga ahna ay kasoo dagaan

A map showing where Kerala is in India
Duullimaadyo badan oo caalami ah ayaa ka dagaya Garoonka Calicut ee ku yaalla gobolka Kerala

Agaasimaha guud ee laanta duulista hawada (DGCA) ayaa sheegay in diyaaradda ay ku dhacday haro biyo ah, kaddib markii ay ka gudubtay laamiga garoonka.

Musiibadan ayaa dhacday abaare 19:00 waqtiga maxalliga ah, xilli uu roob culus ka da’ayay gobolkaas.

Daadab ka dhashay roobabka ayaa Hindiya ka socday muddooyinkii lasoo dhaafay oo lagu guda jiray xilli roobaadka.

Bishii May ee sanadkii 2010-kii, 158 ruux ayaa ku geeriyootay diyaaradda Air India oo ku burburtay garoonka gobolka Mangalore.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this