Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada Koonfur Galbeed oo isaga soo baxay Goofgaduud-buurey

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka ka imaanaya gobolka Baay ayaa sheegaya in maanta ciidamada maamulka Koonfur Galbeed ay soo faarujiyeen deegaanka lagu magacaabo Goofgadduud-buurey oo 30 KM bari ka xiga magaalada Baydhabo ee xarunta gobolkaasi.

Ciidamada ayaa si nabad ah uga soo baxay gudaha deegaankaasi, waxaana la wareegay dagaalyahanada Xarakada Al-Shabaab.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in ciidamada milatariga Soomaaliya ay hankooda ka soo baxeen deegaanka Deynuunaay iyo tuulooyinka hoos yimaada, sida ay Shabelle u sheegeen ilo deegaanka ah.

Isgaarsiinta ayaa sidoo kale hawada ka maqan, waxaana haatan xaaladdu ay tahay mid kacsan.

Maalmihii u dambeeyey ayaa waxaa dhaq-dhaqaaqyo ciidan laga dareemayey gobollada Baay iyo Bakool ee koonfuta Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this