Sign in to follow this  
Deeq A.

Sheekh Shariif oo shaaciyey in DF ay ka gaabisay dagaalka Al-Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka qeyb galayey dood looga hadlayey amniga ayaa sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya ay ku fashilantay wax ka qabashada arrimaha amniga ee dalka.

Shariif ayaa sidoo kale faah-faahin ka bixiyey xaaladda adag ee uu xillgan ku jiro dalka.

“Waxa aan ka qaybgalay Kulan habka fogaan aragga lagu qabtay oo ay soo qaban-qaabiyeen Machadka Maraykanka ee ka hortagga argagixisada ee ACTRI. Waxaan ka hadalnay arrimaha amniga Soomaaliya iyo xaaladaha la xiriira, anigoo warbixin ka siiyay marxaladda adag ee maanta Soomaaliya ka jirta iyo khatarta kooxaha argagixisada ee dib u yagleelidda dowladnimada Soomaaliya” ayuu yiri Shariif.

Sidoo kale wuxuu ku eedeeyey dowladda Soomaaliya inay ka gaabisay dagaalka lagula jiro Al-Shabaab oo weli ku xoogan qeybo ka mid ah dalka, gaar ahaan koonfurta iyo bartamaha Somalia.

“Waxaan kaloo ka warbixiyay sida looga gaabiyay arrinkaas oo dowladda maanta jrta ee waqtigeedu dhammaadka yahay aaney xil gaar ah iskasaarin ka takhaluska, ciribtirka iyo ladagaalanka argagixisada” ayuu sii raaciyay hadalkiisa Shariif.

Soomaaliya ayaa haatan ku jirta marxalad adag oo kala guur ah, waxaana ay isku diyaarinaysa doorashooyinka soo socda ee 2020 illaa 2021-ka.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this