Sign in to follow this  
Deeq A.

3 Wiil oo Qori AK 47 ku hubaysan oo galay Goob Tumasho (Kilaab) uu M/weyne Trump leeyahay

Recommended Posts

Deeq A.   

Wiilal Qori AK 47 ah la galay Beer Raaxo oo uu M/weyne Trump leeyahay

Sawir muujinaya beerta raaxada ee Mar-a-Lago, oo uu madaxweyne Trump ku leeyahay Florida
Sawir muujinaya beerta nasashada ee Mar-a-Lago, oo uu madaxweyne Trump ku leeyahay Florida

Saddex dhallinyaro ah ayaa xabsiga loo taxaabay kaddib markii ay gudaha u galeen beerta nasashda ee uu Madaxweyne Donald Trump ku leeyahay gobolka Florida, iyagoo markaas watay qori noociisu yahay AK47, rasaasna ay ku jirtay.

Waxaa lagu soo warramay in wiilashan aysan ka waqrabin in goobta ay hubka la galeen uu leeyahay Madaxweynaha Mareykanka.

Waxay isku dayayeen inay ka baxsadaan booliska oo markaas eryanayay.

Howlgalka lagu eryanayay ayaa billowday kaddib markii booliska ka howl gala xeebta Palm ay damceen inay baadhitaan ku sameeyaan gaadhi ay wateen dhallinyaradan oo yaallay meel u dhow goobta uu madaxweynaha leeyahay, oo lagu magacaabo Mar-a-Lago club.

Wiilashan, oo dhammaantood ay da’dooda tahay 15 sano, ayaa ka booday darbi, xilliga ay booliska ka cararayeen, markii dambena waxaa la soo qabtay iyagoo ku dhuumanaya beerta nasashada ee madaxweynaha.

Mr Trump xilligaas ma uusan ku sugneyn halkaas, beerta nasashadana hadda way iska xidhan tahay.

Afhayeen u hadlay booliska, oo lagu magacaabo Michael Ogrodnick, ayaa wakaaladda wararka ee AP u sheegay in gaadhiga wiilasha markii ugu horreysay lagu arkay isagoo yaalla meel qiyaastii saddex kiilo mitir u jirta beerta, markii loo soo dhawaadayna ay carareen.

Markii dambena, wiilashii baxsanayay waxay arkeen boolis kale oo waddada hor marta beerta ku baadhaya gawaadhida, waxayna si khaldan ugu maleeyeen inuu yahay dabin iyaga loo dhigay.

Sida ay booliska ku sheegeen warbixintooda, waxay durbadiiba ka boodeen gaadhigoodii, waxayna ku dhex carareen beerta nasashada ee Madaxweyne Trump.

Waxaa lagu soo warramay inay goobtaas dhexdeeda ku tuureen boorso uu ku jiray qoriga ay wateen.

Booliska ayaa sheegay in 14 rasaas ah ay ku jirtay qoriga.

“Ma aysan ka war qabin meesha ay ku dhex jireen waxa ay tahay,” ayuu yidhi Mr Ogrodnick, isagoo intaas ku daray inay nasiib leeyihiin maadaama qoyska madaxweyne Trump uusan xilligaas goobta ku sugneyn. Haddii ay la kulmi lahaayeen madaxweynaha oo meeshaas ku jira waxaa toogasho ku dili lahaa ilaaladiisa sirdoonka ah.

 

Mr Trump wuxuu isbuuc kasta u duuli jiray gobolka Florida
Mr Trump wuxuu isbuuc kasta u duuli jiray gobolka Florida oo ay ku taallo beerta uu ku nasto

Dhallinyaradan ayaa lagu soo oogay dacwado isugu jira heysasho qori sharcidarro ah, meel aan loo fasixin oo ay u dhaceen iyagoo hubeysan iyo in ay ka madax-adeygeen xadhigga booliska.

Hase yeeshee, ma jirin wax qalalaase ah oo ay sameeyeen.

Eedeysaneyaashan, oo aan magacyadooda la shaacinin, ayaa lagu xidhay meel gaar ah, waxaana taliska boolisku ay go’aan ka gaadhi doonaan in loo maxkamadeeyo sida dadka waaweyn iyo inkale.

Dhacdooyin badan ayaa laga soo tabiyay beerta nasashada ee Mar-a-Lago, tan iyo markii uu madaxweyne Trump xilka qabtay sanadkii 2017-kii.

Waxaa ka mid ah xadhigga gabadh u dhalatay Shiinaha oo wadatay Computer iyo nin iska dhigay inuu ka tirsan yahay shaqaalaha diyaaradda helicopter-ka ah ee madaxweynaha.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this