Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxwayne Biixi Oo Mar Kale Diiday Dalab Shiinaha Uga Yimi, Xilli Ay Wefti Ka Socda Wasaaradda Arrimaha Dibadda Shiinuhu Ku Sugan Yihiin Hargeysa.

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Mareegta Taiwan News, ayaa daabacday in madaxwaynaha Somaliland uu diiday dalab-shardi ku xidhanaa kaasi oo ay u soo jeediyeen dubluumaasiyiin Shiinays ah, dalab Shiinuhu ay usoo jeediyeen madaxwayne Biixi, ayaa lagu sheegay inuu ahaa inuu xidhiidhka u jaro Taiwan waxaanu intaasi ku daray inuu qaadayo tallaabooyin uu ku xoojinayo xidhiidhka waddanka.


Maalintii Isniintii oo ay bisha Augst ahayd 3, waxaa soo baxay wararka sheegay in madaxwayne Muuse Biixi Cadbi, uu faray ‘’dad la aaminay’’ inay soo qiimeeyaan jidad habab loo adkayn karo xidhiidhka Somaliland iyo Taiwan, taasi oo ay xitaa kamid tahay suurtagalnimada ‘’is-aqoonsi labada dhinac waa Somaliland iyo Taiwan e’’
Wararka ayaa sheegay in weftiga Shiinuhu ay booqan doonaan Somaliland 5-tii bishii August, iyadoo uu ku sugnaa Somaliland danjiraha Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, Taiwan Times waxay sheegtay inuu safiirku isku dayay inuu la kulmo madaxwayne Biixi.

Warar maxalli ah ayaa tilmaamay in madaxwayne Biixi uu diiday inuu la kulmo danjiraha Shiinaha sida ay qortay mareegta Taiwan News.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this