Sign in to follow this  
Deeq A.

Aqalka Sare oo dalab xasaasi ah u diray Madaxweyne Farmaajo

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare, Mudane  Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa ka codsaday  madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya in baaris deg-deg ah lagu sameeyo been abuuris lagu sameeyay habraaca dhaqan galinta Xeerka Maaliyadda Guud ee dalka.

War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa waxaa lagu sheegay in guddoonka Golaha Shacabka Soomaaliya uu been abuur ku sameeyay Xeerka Maaliyadda Guud ee dalka, gaar ahaan qodob-ka 27aad oo ah xeerka maareynta Maaliyadda Guud ee dalka oo ay wax ka bedal ku sameeyeen.

“Xeerkan ma’ahan kii wax ka bedalka ay ku sameeyeen Golaha Aqalka Sare ee uu saxiixay madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya ayaa lagu yiri war saxaafadeedka.”

Halkan hoose ka aqriso:

1122

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this