Deeq A. Posted August 6, 2020 Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Dowladda Fedraalka Soomaaliya Xamse Saciid Xamse ayaa sheegay in Dowladda ay xoogga saari doonto yareynta qataraha musiibooyinka. Roobab xooggan ayey saadaasha toddobada casho ee soo socoto tilmaamaysaa in ay ka da’idoonaan qeybo ka mid ah Goballada Koofureed iyo kuwa Woqooyi ee dalka. Sidoo kale Roobab ka da’aya buuralayda Itoobiya ayaa laga cabsi qabaa in ay sabab u noqdaan sare u kaca heerka Webiga Shabeelle iyo Jubba taasi oo ay ka dhalan karto fatahaado ka dhaca Magaalooyinka ku hareereysan Webiga sida Jowhar iyo Baladweyne. Heer cabbirka Webiga Shabeelle ee uu hadda marayo ayaa saameeyay isu socodka gaadiidka iyo dhaqdhaqaaqa ganacsiga ee Magaalada Jowhar ee Gobalka Shabeellada dhex. Degmada Afgooye oo ay dhawaan saameeyeen roobabkii xagaaga ee aan horey uga dignay ayaa waxaa laga cabsi qabaa in ay mar labaad saameyn ku yeeshaan roobabka la filayo in ay da’aan toddobada cisho ee soo socta, iyadoo wabigu horey u buuxay. Mowjadaha iyo Hirarka Badda: 7-12 Bisha Ogosto waxaa la saadaalinayaa in Mowjadaha Badda ay sara u kacayaan taas oo sababi karta in ay wax yeelo naf iyo maalba leh u gaysato dadka ku shaqeysta doonyaha yaryar iyo dadka dalxiiska u aada xeebaha; sidoo kale waxay waxyeelo u geysan kartaa dadka ku nool nawaaxiga badda. Dabeylaha Xagaaga xaalada dabeysha ayaa markasta is badbadaleysa sidaas darteed waxaa laga cabsi qabaa in maalmaha soo socda ay sara u kac ku yimaado Xawaare-socodka dabeysha. Xarunta Qaran ee Ka digista Halis-wadareedka (NMHEWC) waxay si gaar ah uga digeeysaa dhammaan bulshooyinka kala duwan sida; dadka ku nool hareeraha Wabiyada Shabeelle iyo Jubba, kaluumeeysatada iyo dadka ku dhaqan degaannada dhaca Xeebaha in ay ka digtoonaadaan khataraha ku soo wajahan. Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka (WG&MM) waxey ugu baaqeysaa dhamaan maamulladda deegaanaddaas kor ku xusan iyo dhammaan hey’adaha gargaarka ee ka hawlgala deegaannadaas in ay u diyaar garoobaan xaaladdan soo cusboonaatay, ayna taageero u muujiyaan bulshada ku dhaqan xeebaha iyo deeganada barriga ah. Xarunta waxey si dhaw ula socotaa is badalka xaaladaha , waxeyna idiin soo gudbineysaa waxa soo kordha iyo sida ay isubaddesho xaaladda. Halkan Ka Daawo Warbioxin Ku Saabsan Cabdsida Laga Qabo Fataahadaha Goobjoog News Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites