Deeq A. Posted August 6, 2020 Ilaa todobo ruux ayaa lagu soo waramayyaa in lagu la’yahay deegaano iyo tuulooyin hoostaga degmada Balcad oo uu fatahaad xoogan ka sameeyey wabiga Shabelle. Tuulooyin la sheegay in qiyaastii magaalada Bbalcad ay ujiraan illaa 25 KM ayaa la tilmaamay in wabiga uu ku fatahay islamarkaana dadkii daganaa ay isaga barakeceen. Mid ka mid ah dadka deegaanka ayaa Idaacadda Shabelle u sheegay in baadi-goob loogu jiro todobada ruux oo isugu jira rag iyo dumar kuwaasi oo lagu waayay fatahaadda. Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay cabsi ka qabaan in dadkaasi ay cuneen Yaxaaxyo iyo Masas lagu arkay biyaha ku fatahay duleedka degmada Balacad ee gobolka Sh/Dhexe. Boqolaal qoysas ah oo isaga soo cararay fatahaadda wabiga Shabelle ayaa gaaray deegano kale oo ka nabdoon daadadka kuwaasi oo haatan u baahan gurmarad bani’aadanimo. View the full article Share this post Link to post Share on other sites