Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Qoor-Qoor oo gaaray dalka Turkiga + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha maamulka Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) ayaa gaaray magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, halkaasi oo si weyn loogu soo dhoweeyey.

Qoor-Qoor iyo wafdigiisa oo ka amba-baxay magaalada Muqdisho, waxaana Istanbul ku soo dhoweeyey safiirka Soomaaliya u fadhiya Turkiga, safiir kuxigeenka iyo guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee wadanka Turkiga.

Madaxweyne Qoor-Qoor ayaa inta uu joogo Turkiga wuxuu kulamo la qaadan doonaa jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalkaasi.

Sidoo kale wararka qaar ayaa sheegaya in Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug uu mari doono baaritaan caafimaad.

Waa safarkiisii ugu horreeyey ee uu Qoor-Qoor ku tegayo magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, tan markii loo doortay xil-ka Madaxweynaha ee maamulka Galmudug.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:-

1-2 3-1 qorqor2

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this