Sign in to follow this  
Deeq A.

Muwaadin Soomaaliyeed oo Lagu Dilay Koonfur Afrika

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxaa 24-kii saac ee la soo dhaafay gudaha wadanka Koonfur Afrika lagu dilay muwaadin Soomaaliyeed, kaas oo ka mid ahaa ganasatada ku nool wadankaasi.

Kooxo burcad ah ayaa weeraray goob ganacsi oo muwaadinkaan uu ku laahaa magaalada Darban, waxaa ay toogteen muwaadinkii lahaa goobtaas, oo magaciisa lagu koobay Faarax.

Wadanka Koonfur Afrika ayaa waxaa inta badan ka dhaca dilal ay la kulmaan muwaadiniinta tagay wadankaas, kuwaas oo u ganacsi tahay, manajiraan talaabo lagu xakamaynayo arrintaan oo soo laab laabatay.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this