Deeq A. Posted August 6, 2020 Koox hubeysan oo burcad Koonfur Afrikaan ah ayaa dalkaasi waxa ay ku dishay Muwaadin Soomaaliyeed oo ka mid ahaa ganacsatada waa weyn ee Koonfur Afrika. Marxuumnka oo lagu magacaabi jiray Faarax Weed ayaa kooxda burcadda ah waxa ay ku dileen goobtiisa ganacsi oo ku taalla magaalada Durban ee dalkaasi. Wararka ayaa sheegaya in markii hore uu dhaawac soo gaaray marxuumka, balse uu markii dambe u geeriyooday. Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa Boolisa ee dowladda Koonfur Afrika, kuwaas oo baaritaano kooban ka sameeyey halkaasi. Inta badan Soomaalida ku sugan magaalooyinka waa weyn ee dalkaasi ayaa la kulmo dil, dhaawac iyo boob ay u geystaan kooxo burcad ah oo hubeysan. View the full article Share this post Link to post Share on other sites