Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada dowladda oo howl-gallo ka sameeyey magaalada Baraawe

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa saacadihii la soo dhaafay howl-gallo ballaaran ka sameeyey degmada Baraawe iyo deegaanada hoosyimaada ee gobolka Sh/Hoose.

Howl-gallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxa ay ciidamadu ka fuliyeen deegaano iyo tuulooyin la sheegay inay ku sugnaayeen dagaalyahano ka tirsan Xarakada Al-Shabaab.

Taliyaha ciidamada Booliska degmada Baraawe Dhamme Ibraahim Cali oo u warramay Shabelle ayaa sheegay in howl-galladaasi ay ku beegsadeen goobo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab, islamarkaana ay khasaare xoogan ku gaarsiyeen, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in howl-galladu ay sii socon doonaan, inta Al-Shabaab laga saarayo deegaanadaasi.

Shabeelaha Hoose oo ka mid ah gobollada ay ku xoogan yihiin dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa waxaa inta badan ka dhaca dagaallo geysta khasaare dhimasho iyo dhaawac intaba.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this