Sign in to follow this  
Deeq A.

Nabadoon iyo Xaaskiisa oo lagu dilay gobolka Jubbada Hoose

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka laga helayo gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in maanta kooxo hubeysan ay nabadoon iyo xaaskiisa ku dileen deegaanka Qoo-Qaani ee gobolkaasi.

Nabadoonka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Axmed Cumar Maxamed, kaas oo si weyn looga yaqaano deegaanada dowlad goboleedka Jubbaland.

Dhanka kale Al-Shabaab ayaa dilka loo geystay Nabadoonkaasi iyo xaaskiisa, waxaana ay sheegeen inuu ahaa guddoomiyaha deegaanka Qoo-Qaani ee gobolka Jubbada Hoose.

Inta badan Al-Shababab ayaa dilal qorsheysan iyo weeraro ka fuliya gobollada Jubbooyinka ee koonfurta Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this