Deeq A. Posted August 5, 2020 Wararka laga helayo gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in maanta kooxo hubeysan ay nabadoon iyo xaaskiisa ku dileen deegaanka Qoo-Qaani ee gobolkaasi. Nabadoonka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Axmed Cumar Maxamed, kaas oo si weyn looga yaqaano deegaanada dowlad goboleedka Jubbaland. Dhanka kale Al-Shabaab ayaa dilka loo geystay Nabadoonkaasi iyo xaaskiisa, waxaana ay sheegeen inuu ahaa guddoomiyaha deegaanka Qoo-Qaani ee gobolka Jubbada Hoose. Inta badan Al-Shababab ayaa dilal qorsheysan iyo weeraro ka fuliya gobollada Jubbooyinka ee koonfurta Soomaaliya. View the full article Share this post Link to post Share on other sites