Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Wariye Abuuja oo la sii daayey, kadib markii lagu waayey wax dambi ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa goor dhow ku dhawaaqday go’aanka ka dambeysta ah ee kiiska Wariye Maxamed Cabdiwahaab Nuur Abuuja oo muddo ku dhow 5 bil u xirnaa dowladda Soomaaliya.

Guddoomiyaha maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida, Xasan Nuur Shuute ayaa shaaciyey in baaris, kadib lagu waayey dambigii lagu soo oogay Abuuja.

Sidoo kale wuxuu amray guddoomiye Xasan Nuur Shuute in deg-deg loo sii daayo Wariyahaasi.

Maxamed Cabdiwahaab Nuur (Abuuja) ayaa waxaa lagu soo eedeeyey dil ka dhacay degmada Boondheere iyo ka mid ahaanshiyaha Al-Shabaab, sida lagu sheegay warka soo baxay 22-kii bishii April ee sanadkan wasaarada warfaafinta xukuumada Somalia.

Abuuja oo la horgeeyey maxkamadda ciidamada qalabka sida saddexdii bisha Agosto ayaa dhageysatay dacwadda lagu soo oogay, waxaana maanta maxkamaddu ay shaacisay in lagu waayey dambiga dilka ah ee lagu soo eedeeyey Wariyahaasi.

Go’aanka ka soo baxay maxkamadda ayaa waxaa si aad ah u soo dhoweeyey ururada saxaafadda, wariyeyaasha Soomaaliyeed iyo ehelladiisa oo goobta ku sugnaa.

116846743_344483633241525_79783784344466 116836165_2640376639510161_8083367349355labadda-1.jpg Abuuja.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this