Sign in to follow this  
Deeq A.

Khasaaraha Ka Dhashay Qaraxyo Waa Weyn Oo Gilgilay Dalka Lebanon Iyo Wararkii Ugu Dambeeyey

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Beirut)-Waxaa isa soo taraya khasaaraha ka dhashay qaraxyo waa weyn oo fiidkii hore ee xalay gil-gilay magaalada Beirut ee caasimadda dalka Lebanon, kuwaas oo ka dhacay gudaha bakhaaro ku yaalla meel u dhaw dekedda weyn ee Beirut.

Qaraxa ayaa ka dhashay 2,750 tan oo ah maadada kiimiikada Ammonium Nitrate oo taalay bakhaar ku yaalla dekedda Beirut oo qaraxday.

Waxaa illa aiyo hadda la xaqiijiyey geerida 73 qof iyo dhaawcayada 3,700 qof oo kale, isla markaana waxaa weli socda gurmadka dadka looga soo saarayo dhismayaasha burburay hoos tooda.

Ra’iisul wasaaraha dalka Lebanon Xasan Diab oo goor dhaw hadlay ayaa dadka reer Lebanon ka dalbaday inay isu gurmadaan, si loo badbaadiyo dadka dhaawacmay iyo kuwa weli burburka ku hoos jira.

hibaato rabaani ah ayuu u sheegay dadkiisa inay ku dhacday, isla markaana ay ku qancaan qadarta Rabbi, iskuna gurmadaan, isaga oo u balan qaaday in dowladdu ay dadaaleyso inta karaankeeda ah.

Ra’iisul wasaare Xasan ayaa dowladaha caalamka intooda awooda ka dalbaday inay u soo gurmadaan oo ka gacansiiyaan sidii dadka ku nool magaaladan ay dhibaatadu ka dhacday ee Beirut loo samata bixin lahaa.

Muuqaal la duubay markii uu dhacay qaraxii koowaad ayaa muujinaya uuro cirka ku shareeran iyo qaraxii labaad oo dhacaya, gabi ahaanba dhismayaashii ku teedsanaa dekedda Beirut ayaa burburay.

Musiibadan ka dhacaday Beirut waxay ku soo aaday, iyadoo la filayo in maalinta Jimcaha ah ee soo socota ay maxkamadda sare ee dalkaas go’aan ka soo saarto xukunka dilkii Ra’iisul wasaarihii hore Lebanon Rafik al-Xariri, kaas oo la dilay sanadkii 2005-tii.

Afar eedeysane ayaa loo heystaa dilka Ra’iisul wasaare Rafiiq, kuwaas oo dhamaantood ka tirsan ururka Xisbullah oo ay taageerto dowladda Iran. Inkastoo Xisbullah ay aad isaga fogeysay dilka Xariiri.

Waayihii dambe dalka Lebanon waxaa hareeyey dibadbaxayo looga soo horjeedo dhaqaale xumadii ugu darnayd oo taagan, tan iyo dagaalladii sokeeye ee dalkaas ka dhacay, sanadihii 1975-tii illaa 1990-kii, waxaana qaraxyadan loo maleynayaa kuwo siyaasadeysan.

Waxaa sidoo kale maalmahan ay dhibaato ka taagnayd xadka ay Lebanon la wadaagto Israa’iil oo toddobaadkan uu ka dhacay isku day ay ururka Xisbullaah ku dooneyeen inay gudaha u galaan dhulka Israa’iil.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this