Deeq A. Posted August 5, 2020 Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal u dhexeeyey Al-Shabaab iyo ciidamada dowladda oo xalay ka dhacay qeybo ka mid ah gobolka Baay. Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa yimid, kadib markii dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen fariisin ciidamada milatariga Soomaaliya ay ku leeyihiin deegaanka Deynuunaay oo hoostaga magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee Koonfur Galbeed. Wararka ayaa sheegaya inuu jiro khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo ka dhashay dagaalkaasi, balse ma cadda inta uu la’egyahay. Sidoo kale mid ka mid saraakiisha ciidamada Xoogga Dalka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay ka hortageen dagaalkaasi, isaga oo sidoo kale tilmaamay in ay qarxiyeen miinooyin lagu aasay waddooyinka soo gal deegaanka Deynuunay ee gobolka Baay. Xaaladda ayaa hadda degan, waxaana goobihii lagu diriray haatan ku sugan ciidamada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya oo dhaq-dhaqaaqyo cusub ka bilaabay halkaasi. View the full article Share this post Link to post Share on other sites