Sign in to follow this  
Deeq A.

Drs Xaawa Cabdi oo saaka ku geeriyootay magaalada Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee waxaa saaka magaalada Muqdisho ku geeriyootay Drs Xaawa Cabdi oo muddo dheer ka soo shaqeyneysay horumarinta arrimaha caafimaadka Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in xanuun deg-deg ah oo kusoo booday ay sababtay geerida ku timid Xaawa Cabdi oo ka mid aheyd dhaqaatiirta waa weyn ee Soomaaliyeed.

Sidoo kale qaar ka mid ah caruuteeda iyo ehelladeeda ayaa warbaahinta u xaqiijiyey geerida ku timid marxuumadda oo xarun caafimaad ku laheyd deegaan iyada loogu magac daray oo ku yaalla duleedka koonfureed magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Geerida ku timid Drs Xaawa Cabdi waxaa sidoo kale ka tacsiyeeyey qaar ka mid ah dhaqaatiirta Soomaaliyeed.

Waxa ay aheyd 73 sano jir wax ku soo baratay wadanka Ruushka, horaantii toddoaatameeyadii, waxaana ay garab qaban jirtay dadka danyarta ah.

AUN Drs Xaawa Cabdi ayaa waxaa lagu xauusan doonaa kaalintii ay ka soo qaadatay howlaha adeegga caafimaadka muddadii burburka.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this