Sign in to follow this  
Deeq A.

Wejigii labaad ee Shirka Nabadaynta Horufadhi oo ka furmay Degaanka Saaxdheer

Recommended Posts

Deeq A.   
Saaxdheer.jpg?w=1000&ssl=1

Degaanka Saaxdheer ee Koonfurta Gobolka Sool waxaa gelinkii dambe ee shalay si rasmiya uga furmay Shirka Wejiga labaad ee dhammaystirka Nabadaynta Beelihii ku dagaallamay Degaanka Horufadhi ee Gobolka Cayn.

Shirka oo ay soo qaban-qaabiyeen Guddiga Isimada dhex-dhexaadinaya labada dhinac waxaa ka qayb-galaya ergooyin ka kala socda Beelihii dagaallamay oo markii labaad si toos ah la isu horfariisiyay

Shirka Saaxdheer ayaa la doonayaa in lagu dhammaystiro Arrimaha ka harsan Nabadaynta Degaanka Horufadhi oo ay marar kala duwan ku dagaallameen Beelo halkaasi wada deggan balse ugu dambayn Heshiis Nabadeed laga gaaray.

Guddiga Nabadaynta labada dhinac waxaa hoggaaminaya Garaad jaamac Garaad Cali oo ay weheliyaan Cuqaal iyo Isimo kala duwan oo ka yimid Degaannada Sool iyo Cayn.

PUNTLAND POST

The post Wejigii labaad ee Shirka Nabadaynta Horufadhi oo ka furmay Degaanka Saaxdheer appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this