Sign in to follow this  
Deeq A.

Faah-faahin ku saabsan qaraxii gilgilay magaalada Beirut

Recommended Posts

Deeq A.   

Faah-faahin ku saabsan qaraxii gilgilay magaalada Beirut

.

 

Qarax weyn ayaa ka dhacay magaalo madaxda Lubnaan ee Beirut iyadoo la filayo xukunka dilkii raysal wasaarihii hore dalkaasi ee Rafik Hariri oo 2005-tii la dilay.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhacay agagaarka dekadda magaalada. Waxaa jira warar kale oo aan la xaiijin oo tibaaxaya inuu dhacay qarax kale, ilaa haatanna ma cadda waxa sababay qaraxyadaasi. Waxaa illaa haatan la sheegay inay ku dhineen tobannaan qof, halka boqollaalna ay ku dhaawac meen.

Muuqaal lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinaya qiiq cirka isku shareeyay iyo qasaaro baahsan.

Waxaa la filaya in maxkamad la soo taago afar eedeysane oo loo haystoo dilki Xariri.

Dhammaan afarta xubnood ayaa waxay ka tirsan yihiin ururka Xisbullaah oo ay Iran taageerto, kuwaasi oo markasta iska fogeeya iney ku lug leeyihiin dilka Xariri. Iyaga oo aan joogin ayaa dambiga lagu qaaday, go’aanka maxkamadana waxa uu soo baxayaa Jimcaha.

Waxaa kale oo lasoo werinayaa qarax kale oo la sheegayo iney suurogal tahay inuu ka dhacay dhismaha xariiri ee ku yaalla magaalada.

Wasiirka Caafimaadka ee Lubnaan, Hamad Hasan ayaa sheegay iney jiraan dhaawacyo badan iyo khasaare baaxad leh.

aftermath of blast in Beirut

 

Warbaahinta gudaha ayaa soo tabisay dad ku xanniban burburka dhismaha. Qof goob jooge ah ayaa qarixii ugu horreeyay ku tilmaamay mid dhawaqiisu laga argagaxay.

Dhanka kale, ilo wareedyo ay soo xigatay Wakaaladda Wararka ee Reuters ayaa sheegeysa in 10 qof oo meyd ah laga soo saaray burburka dhismaha.

Wararkan ugu dambeeyay ayaa soo baxay iyadoo Lubnaan dhawaanahan ay ka taagnayd xasarad siyaasadeed. Waxaa dalkaasi hareeyay dibadbaxyo looga soo horjeeday dhaqaale xumadii ugu darnayd tan iyo dagaalkii sokeeye ee 1975-1990-kii.

Waxaa sidoo kale maalmahan dhibaato ka taagnayd xadka ay la wadaagto Israa’iil oo toddobaadkan uu ka dhacay isku day ay Xisbullaah ku dooneysay iney gudaha u gasho dhulka Israa’iil.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this