Sign in to follow this  
Deeq A.

Soomaali Ku Xidhan Xabsiyada Sacuudiga Oo Biyaha Ka Caba Suuliyada

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Riyadh)-Dad badan oo ajaanib ah ayaa ku xidhan xabsiyada Sacuudiga, waxaana ka mid ah dad Soomaali ah oo shaqo u tagay dalkaas, waxaana halkaas laga soo sheegayaa nolol xumo aad u daran.

Ibraahim oo ah qof Soomaali ah oo muddo ku noolaa dalka Sacuudiga ayaa laga soo qabtay Dukaan uu ka shaqeynayay oo magaaladda Jeddah ku yaalla, waa 40-jir wuxuu ka sheekeeyay nolosha xanuunka badan ee halkaas ku heysata.

Ibraahim wuxuu sheegay iney cabaan biyaha suuliayadda amma musqusha, sidoo kalana ayna muddo arkin iftiinka qoraxda.

“Waxaan ka shaqeynayay dukaan ku yaalla magaalada Jeddah, ciidamada ammaanka Sacuudiga ayaa i qabtay, ka hor waxaan dhuumaaleysi ugu noolaa magaalooyinka maadaama aan laheyn sharciga dalka” ayuu yidhi Ibraahim oo la hadlayay Guardian.

Wareysiga uu bixiyay wuxuu ku sheegay in muddo bil ah uu ku qaatay xabsiga lagu sugto musaafurinta, wuxuuse arkay nolol liidata oo ku qabsatay xabsiga Al-Shumaysi.

Dad badan oo dalal kala duwan kasoo jeeda ayaa xabsiga kula xidhnaa, waana dad aan heysan sharciga ogolaanshaha ku noolaansho ee dalka Sacuudiga, waxaana soo qabta ciidamada ammaanka.

Xabsiga Al-Shumaysi wuxuu qaadaa in ka badan 30 Kun oo qof, waxaana ku xidhan dad iskugu jira rag iyo haween, waxaa sidoo kale jirta carruur halkaas ku dhalatay iyadoo sariiruhu ay cirdhiidhi yahiin.

Taleefanada looma ogola maxbuuska, waa go’aan ay qaateen hawlwadeenada xabsiyada iyadoo la rabo in ayna gudbin xaaladooda nololeed.

“Waxa ay noola dhaqmaan si xun, wey na dhirbaxaan, waliba wax walba oo ay gacanta ku hayaan wey nagu dhuftaan, biyaha waxaan ka cabnaa suuliga, haddii aan lacag dhiibo waxaan helayaa biyo nadiif ah, haddii aan waayana biyaha suuliga ayaan cabayaa oo aan caafimaad ahaan fiicneyn”

Ibraahim wuxuu sidoo kale sheegay inay xaalad halis ah ku tahay xanuunka COVID19, maadaama ay jiraan dad badan oo qandheysan, qaar qufacaya, wuxuuna sheegay inaan dadkaas xitaa la geyn Karin cisbitaal.

Boqortooyada Sacuudiga war kama heyso tirada Maxaabiista, si gaar ah waxaa howshaan u haya saraakiil, waana tan keentay in warwarka Xubnaha u dooda Xuquuqda Aadanaha uu sii kordho.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this