Sign in to follow this  
Deeq A.

Aqalka Sare oo Ansixiyey Xubin Kamid Noqoneyso Guddiga Doorashooyinka Qaran

Recommended Posts

Deeq A.   

Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta meel mariyey xubin kamid noqoneysa guddiga maddaxabannaan ee doorashooyinka qaranka.

Golaha oo kulan ku sheeshay Muqdisho ayaa cod gacan taag ah ku ansixiyey ,Marwo Sacdiyo Shuuriye  xubinnimadeeda ay kaga mid ahaanayso guddiga doorashooyinka qaranka.

,Marwo Sacdiyo Shuuriye  ayaa isla goobtii lagu meel mariyey lagu dhaariyey, kulanka golaha ayaana maanta Ajandihiiosuhu ahaa meel marinta iyo dhaarinta xubintaan kamid noqonaysa guddiga doorashooyinka qaran.

GoobJoog News

 

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this