Sign in to follow this  
Deeq A.

Dood adag oo ka taagan lacagta loo qoondeeyey gurmadka Afgooye

Recommended Posts

Deeq A.   

Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa ku eedeeyey xukuumadda federaalka inay indhaha ka laabatay u gurmashada dadka shacabka ah ee ku dhibaateysan fatahaadaha ku dhuftay gobolka Sh/Hoose, gaar ahaan degmada Afgooye.

Qaar ka mid ah xildhibaanadaas oo u warramay warbaahinta ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay bixin la’dahay lacag nus Milyan Dollar ah oo loogu deeqay dadkaasi.

Khadiijo Maxamed Diiriye oo ka mid ah xildhibaanadaasi, sidoo kale xubin ka ah Golaha Wasiirada ee xil-ka sii haya ayaa nasiib darro ku tilmaamatay in weli la hayo lacagtaasi.

“Nasiib darro ayay nagu tahay in lacagta wali la hayo oo la waayo meel la marsiiyo lahayn, Guddoonka Golaha Shacabka waxaa mas’uuliyad gaar ah ka saaran magacaabista Guddi fuliya in gargaarkaas uu u gacan galo qoysaska dhibaatada nololeed heysata” ayey tiri Xildhibaan Khadiijo.

Dhankiisa wasiirka maaliyadda C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in aysan bixin doonin lacagtaas, haddii aan la helin hanaan looga hortagi karo in la musuq-maasuqo.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in loo baahan yahay in la dhiso guddiyo gaar ah oo ka shaqeeya arrimaha gargaarka ee degmada Afgooye.

Dad badan oo shacab ah ayaa ku dhibaateysan degmada Afgooye iyo deegaanada ku xeeran, kuwaas oo ay saameysay fatahaada dhowaan ku dhusatay degmadaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this