Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Deni iyo wefdi uu hoggaaminayo oo Maanta ku wajahan Degmada Galdogob

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni iyo wefdi uu hoggaaminayo, ayaa Maanta oo Talaado ah ku wajahan Degmada Galdogob ee Gobolka Mudug.

Socdaalka Madaxweynaha, oo ah kii u horreeyay ee tan iyo markii la doortay uu ku tago Degmada Galdogob, waxaa ku wehelin doona xubno ka tirsan Golayaasha Dowladda Puntland iyo Maamulka Gobolka Mudug.

Madaxweyne Deni iyo Wefdigiisa, oo u kuur-gelaya Xaaladda Galdogob, ayaa kulamo kala duwan la qaadan doona Mas’uuliyiinta Degmada, Hoggaanka Dhaqanka  iyo Qaybaha kala duwan ee Bulshada Degmadaasi.

Sidoo kale, Madaxweyne Deni ayaa halkaasi ka dhagax-dhigi doona mashaariic horumarineed, oo horay Dowladdu u ballan-qaaday in laga fulin doono Degmada Galdogob.

Deni, ayaa noqonaya Madaxweynihii labaad ee Puntland oo booqda Degmada Galdogob, oo qiyaastii 80KM dhanka Galbeed kaga beegan Gaalkacyo, islamarkaana Soohdin la wadaagta  Dowlad Degaanka Soomaalida DDS.

13 April 2014, Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa noqday Madaxweynihii u horreeyay ee Puntland, oo booqda Degmadaasi Galdogob, oo muhiimad gaar ah u leh Difaaca Gobolka Mudug iyo guud ahaan Puntland.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Deni iyo wefdi uu hoggaaminayo oo Maanta ku wajahan Degmada Galdogob appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this