Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Wiil dhalinyaro ahaa oo si arxan darro ah loogu dilay Beledweyne

Recommended Posts

Deeq A.   

Allaha u naxariistee waxaa xalay xaafadda Buunda-weyn ee magaalada Beledweyne lagu dilay wiil dhalinyaro ahaa, kaas oo dilkiisa loo adeegsaday Toorey.

Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray, Caydaruus Calawe Siyaad, wuxuuna ka mid ahaa dhalinyarada kaxeysa Mootooyinka Bajaajta ee ka shaqeysa magaaladaasi.

Wararka ayaa sheegaya in rag burcad ah ay dileen marxuumka, kuwaas oo goobta isaga baxsaday.

Meydka marxuumka ayaa la geeyey isbitaalka guud ee Beledweyne, waxaana agaasimaha isbitaalkaasi Dr Suleeyman Cabdi Cali uu sheegay in dilka kadib la gubay marxuumka.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Soomaaliya oo haatan wada baaritaano dheeraad ah.

Dhacdadan argagaxa leh ayaa wal-wal xoogan ku reebtay dadka deegaanka, gaar ahaan darawallada kaxeeya mootooyinka Bajaajta ee ka howl-gala magaalada Beledweyne.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:

117246553_1952671758202987_772785188238841724_n Beledweyne 116661466_2393388774298096_6475828447024918142_n 117115879_291899875245085_7590566463764345479_n 117167854_308795983865548_9206254845296564931_n

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this