Sign in to follow this  
Deeq A.

DF oo hawada Puntland ka celisay diyaarad ka timid Kenya

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Soomaaliya ayaa la sheegay in todobaadkan bilowgiisa ay hawada ka celisay diyaad sidday Qaadka nooca loo yaqaano Miirooga, taas oo ka soo duushay Nairobi, kuna soo jeeday gudaha magaalada Gaalkacyo, qeybta waqooyi oo ay maamushu Puntland.

Wararka ayaa sheegaya in maamulka hawada Soomaaliya uu ku amray diyaaraddaasi inta aysan dagin, ka hor inay dib ugu laabato halkii ay ka soo duushay oo ah Kenya.

Sidoo kale urur ay ku mideysan yihiin ganacsatada Qaadka Kenya oo ka hadlay tallaabadaasi ayaa sheegay in celinta diyaaraddan ay u gaysatay dhaawac dhaqaale.

Guddoomiyaha ururkan ayaa xusay in diyaaradda sidday xamuulka ee dib loo celiyey ay raacday qawaaniinta iyo qaab dhismeedka sharciyeynta, islamarkaana markii hore loo oggolaaday in ay geli karto hawada Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay.

Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dowladda Soomaaliya oo ku aadan arrinta diyaaraddaas iyo cabashada ka soo yeereysa ganacsatada Qaadka ee dalka Kenya

Bishii hore ayey aheyd markii hawada Soomaaliya laga celisay diyaarad Qaad sidday oo laga leeyahay dalka Kenya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this