Sign in to follow this  
Deeq A.

Somaliland oo ka hadashay xil-ka qaadistii Xasan Cali Khayre

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland, Liibaan Yuusuf Gaaxnuug ayaa markii ugu horreysay ka hadlay go’aankii Golaha Shacabka ee lagu riday Khayre.

Gaaxnuug ayaa sheegay in go’aanka baarlamaanka Soomaaliya uu ahaa mid deg-deg ah oo ay ka muuqato mas’uuliyad darro, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in adduunka oo dhan uu la yaabay, sida fududu ee lagu riday xukuumaddii ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre.

“Dowlad wax aan ka badneyd rubi-saac gudaheeda lagu ridday waa arrin aduunka oo dhan la yaabay, waa arrin ay ka muuqato iyadda dhexdooda aaney is-aamini karin, Beesha Caalamka ee la shaqeyneysay aaney aamni karin, innagana dowladii wadahadalada nala wadday in ay 30 daqiiqadood ku dhacdo waxay muujineysaa sidda ay Unreliable u tahay xukuumadda Muqdisho ka dhisan, waana nasiib darro.” ayuu yiri wasiir Gaaxnuug.

Todobaadkii hore ayey aheyd markii codka kalsoonida lagala noqday ra’iisul wasaarihii hore ee dalka, Mudane Xasan Cali Khayre oo xafiiska joogay muddo 3 sano iyo bar ah.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this