Sign in to follow this  
Deeq A.

Qarax is-miidaamin ah oo goor dhow ka dhacay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax is-miidaamin ah oo goor dhow ka dhacay maqaaxi ku taalla agagaarka dekedda weyn ee magaalada Muqdisho.

Qof isku soo xiray walxaha qarxa ayaa lagu soo warramayaa inuu fuliyey qaraxa, kaas oo tegay maqaayaddaas oo lagu magacabo Luul Yemeni xilli ay ku sugnaayeen dad badan.

Wararka ayaa sheegaya inuu jiro khasaare kala duwan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac, balse weli ma cadda inta uu gaarsiisan yahay.

Xaalada ayaa haatan kacsan, waxaana goobta isku geedaamay ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Soomaaliya oo baaritaano dheeraad ah ka wada halkaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this