Sign in to follow this  
Deeq A.

Qarax ka dhacay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Qarax ayaa goordhaweyd ka dhacay maqaayad ku taalla degmada Xamar Jabab ee gobolka Banaadir.

Qaraxa ayaa la sheegay in loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha Qarxa, waxaana uu sigaar ah uga dhacay maqaayad lagu magacaabo Luul Yamini oo ku taala meel aad ugu dhaw Kontaroolka laga ilaaliyo Xabsiga dhexe ee Muqdisho.

FB_IMG_15964531586564862.jpg?w=1000&ssl=

Sawir laga qaaday goobta qaraxu ka dhacay oo lagu faafiyay baraha bulshada ayaa waxaa ka muuqday burbur, sidoo kale warar soo baxaya ayaa sheegaya inuu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac oo qaraxaas ka dhashay.

Ilaa iyo hadda lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxa ka dhacay magaalada Muqdisho.

Faahfaahin dib kala soco.

PUNTLAND POST

The post Qarax ka dhacay Muqdisho appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this