Deeq A. Posted August 2, 2020 Marxuum, Cabdullaahi Koosto Guddoomiye ku xigeenkii dhanka Maaliyadda degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeelaha Hoose Maxamed Cabdulaahi Cumar Koosto ayaa qarax lagu dilay. Guddoomiyaha ayaa Bam-gacmeed lagu tuuray guriga uu ka degan yahay degmada Wanlaweyn, waxaana sidoo kale weerarkaas ku dhaawacmay Aabihiis iyo xaaskiisa oo kula sugnaa guriga. Ciddii weerarka geystay la sheegay inay baxsatay, waxaana degmadaas ka socdo howlagalo baaritaan. Weli ma jiro war ka soo baxay Maamulka Wanlaweyn oo looga hadlay weerarka lagu dilay mas’uulka. PUNTLAND POST The post Wanlaweyn: Mas’uul qarax lagu dilay appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites