Sign in to follow this  
Deeq A.

Wufuud heer caalami ah oo ku soo waajahan Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   

SAADAASHA SIYAASADA GOBOLKA GEESKA AFRICA IYO SOMALILAND OO WUFUUD HEERKII UGU SAREEYEY AHI KU SOO WAJAHAN YIHIIN BILAHA IYO TODOBAADADA SOO SOCDA ?

( Waxa laga yaabaa in uu dhowaan Hargeisa iyo Muqdisho isku maro raisal wasaaraha Ethiopia , sidoo kale wafti sare oo Madaxwayne Ordogan u gogol xaadhayana waa la filayaa iyagana )
Waxa aad moodaa in Somaliland ay isbadel mug leh waxna iyadu siyaasadeeda arimaha dibada iyo xidhiidhka caalamiga ah ku sameysay waxna uu wakhtigu keenay marka aad eegto talaabooyin wax ku ool ah oo ay qaaday oo dhinaca diblomaasiyada macno weyn sameynaya .

Waxaa talaabo layaab leh noqotay markii Somaliland xidhiidh la sameysay dalka Taiwan oo aad aduunka oo dhami hadal hayntiisa iyo saameyntiisa loo qaadaa dhigayey taasi oo si isku mid ah uga cadheysiisay dal weynaha China oo aan ogoleyn madax banaanida Taiwan iyo Somalia oo aan ogoleyn madax banaanida Jamhuuriyada Somaliland.

Waxa haddana talaabo kale oo wax ku ool ah noqotay oo aduunkuna isha ku hayo markii ay Jamhuuriyada Somaliland yimaadeen wafti heersare ah oo ka socda dalka masar, taasi oo kaliftay wafti culus oo Ethiopia ka socdaana in uu degdeg u soo gaadho caasimada jamhuuriyada Somaliland ee Hargeisa, iyada oo Ethiopia baryahaa dambe Somaliland xidhiidhkii iyo meeqaamkii ka dhaxayn jiray Ethiopia aanu sidiisii aheyn intii Abiy Ahmed yimid dalkaasi.

Kaliya Somaliland waxa looga baahan yahay in ay ka faaiideysato fursadaha maadaama ay siyaasadu dan tahay, Somaliland na danaha ay leedahay ay ka raadsato meelkasta oo ay ka heli karto, waana nidaamka diblomaasiyada aduunku u shaqeyso oo ma jiro dal u xidhan cid gaar ah oo aanay dano isku qabin.

Somaliland waxa ay aduunka tustay waxna uu ogaaday in ay muhiim tahay oo aanay kaliya baahnayn ee loo baahan yahay marka aad eegto muhiimada dhulkeega, badeeda, halka ay Afrika iyo aduunkaba kaga taallo, khayraadka dalkeeda ku duugan ee noocwalba leh iyo waliba danaha muhiimka ah ee aan looga maarmayn oo ay badhna keeneen duruufuhu in badan oo kalena ay soo socoto.

Waxa Somaliland ku soo wejahan wufuud badan sida la saadaalinayo marka la eego duruufaha iyo danaha laga leeyahay waxaa ugu culus wafti la saadaalinayo in uu raisal wasaaraha Ethiopia ku yimaado Hargeisa ka dibna uga gudbo muqdisho todobaadada soo socda, sidaasi oo kale ayaa waxa isagana la saadaalinaya in wafti Turkey ah oo uu hogaaminayo wasiirka Arimaha dibadu in ay isku mari doonaan Hargeisa iyo Muqdisho iyaga oo u gogol xaadhaya wafti uu Madaxwayne Ordogan isaguna Hargeisa iyo Muqdisho ku iman doono.

Waxa sidoo kale Somaliland ku soo wejehan wufuud culus oo ka socota dalweynaha China oo laga yaabo in iyaguna Somaliland soo gaadhaan dhawaan , isku soo wada xoori Somaliland waxa ku soo wejahan fursado badan oo badhna ay iyadu abuurtay badhna ay xaaladaha iyo halka ay ku taallaa sababeen kuwaasi oo dalal badani rabaan in ay yimaadaan badeeda iyo barigeegaba oo ay ka helaan degsiimo ay danahooga ka ilaashadaan.

Mohamed Dhimbiil

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this