Sign in to follow this  
Deeq A.

Dalka kaalinta koowaad Qaarada Afrika kaga jira Feyriska Corona?

Recommended Posts

Deeq A.   

Dalka kaalinta koowaad Qaarada Afrika kaga jira Feyriska Corona?

Madaxwayne Cyril Ramphosa
Madaxwayne Cyril Ramphosa

In ka badan nus malyuun qof ayaa imika la xaqiijiyay in dalka Koonfur Afrika uu haleelay feyriska Corona, sida uu sheegay wasiirka caafimaadka dalkaasi.

Zwelini Mkhize ayaa ku dhawaaqay in Sabtidii oo kali ah dalkaasi laga helay 10,107 oo kiis oo cusub, taasi oo tirada guud ka dhigtay 503,290.

Waxaa sidoo kale cudurka dalkaasi ugu dhintay dad gaaraya 8,153 qof.

Dalka Koonfur Afrika ayaa noqonaya dalka sida ba’an uu ugu dhuftay feyriska Corona marka la eego guud ahaan qaarddda Afrika.

Guud ahaan tirada dadka uu haleelay feyriska Corona qaaradda ayaa kala bar waxay ku nool yihiin dalka Koonfur Afrika .

Sidoo kale Koonfur Afrika ayaa kaalinta shanaad kaga jirta caalmka dhanka tirada kiisaska oo waxaa ka horeeya oo kali ah Mareykanka, Brazil, Ruushka iyo Hindiya.

Khubarada dhanka caafimaadka ayaa sheegaysa in tirada dhabta ah ee feyriska Corona ugu dhimatay Koonfur Afrika laga yaabo in ay ka sareyso inta imika la ogyahay.

 

Women receive bread at a food handout during the Eid al Adha at the "Hunger Has No Religion" feeding scheme, in Johannesburg, South Africa
South Africa is grappling with the largest outbreak on the continent

Saraakiisha caafimaadka dalkaasi ayaa waxay sheegeen in tirada dadka uu soo ridanayo feyriska ay aad sare ugu sii kacaysay muddooyiinkii u dambeeyay islamarkana kiisas badan laga helayo magaalada, Pretoria.

Dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa xayiraad lagu soo rogay bilihii April iyo May taasi oo la sheegay inay gacan ka geysatay hoos u dhigidda in cudurka uu sii faafo.

Toddobaadkii aanu soo dhaafnay ayay ahayd markii hay’adda caafimadka aduunka ee WHO waxay ka digtay in dalka Koonfur Afrika in ay hormuud u noqon doonto dhanak feyriska guuda haan qaaradda.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this