Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Waare oo la kulmay safiirka Qatar ee Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Dowlada Hirshabeelle Mudane; Maxamed Cabdi Waare ayaa Maanta Magaalada Muqdisho kula kulmay Safiirka Dowlada Qatar u fadhiya Soomaaliya, Danjire Hasan Bin Hamza Asad Mohammed.

Kulankan oo aad muhiim u ahaa ayaa looga hadlay dardargelinta mashruuca dhismaha Waddada xiriirisa Magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar oo ay maalgelineyso Dawladda Qatar.

Masuuliyiinta ayaa iyo kale ka wada hadlay fulinta mashaariic kala duwan oo laga hirgelin doono degaannada Hirshabeelle.

Safiirka Dowlada Qatar u fadhiya Soomaaliya, Danjire Hasan Bin Hamza Asad Mohammed, ayaa sidoo kale dhowaan kulamo la qaatay qaar ka mid ah madaxda maamul Goboleedyada Dalka, isagoo kala sheekeystay Mashaariicda ay Dowladdiisa ka waddo Gobollada Soomaaliya iyo sidii loo dar-dar gelin lahaa.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this