Sign in to follow this  
Deeq A.

Dilal ka dhacay Garowe

Recommended Posts

Deeq A.   

Magaalada Garowe ee xarunta Puntland waxaa saacadihii ugu dambeeyay ka dhacay dilal kala duwan.

Xalay ayaa gudaha Garowe lagu dilay nin lagu magacaabo Cabdi Cismaan Cali oo la sheegay inuu ahaa askari ka tirsan ciidamada Puntland, halka saaka lagu dilay nin kale oo magaciisa lagu sheegay Shuceyb Cabdiqaadir Ismaaciil.

Si dhab ah looga oga in gacanta lagu dhigay iyo in kale, ciddii geysatay dilalka ka dhacay Garowe.

Booliska Puntland ayaa inta badan ka gaabsada in wax laga weydiiyo falalka la xiriira amniga.

Magaalada Garowe oo ka caaganayd falalka amni-darrada ayaa sanadihii ugu dambeeyay waxaa ka jiray walaac amni.

PUNTLAND POST

The post Dilal ka dhacay Garowe appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this