Sign in to follow this  
Deeq A.

Deni oo sharci-darro ku tilmaamay magacaabista Golaha Adeega Garsoorka iyo hay’adda Batroolka

Recommended Posts

Deeq A.   
Dani.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo xalay hadal ka jeediyay Munaasabad lagu xusayay as’aaskii Puntland oo lagu qabtay Gaalkacyo ayaa sharci-darro ku tilmaamay in ay magacaabis sameeyaan Golaha Wasiirada Xukuumaddii dhacday ee xilka sii haya.

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in ay sharci-darro tahay Hannaanka loo maray magacaabidda Golaha Adeegga Garsoorka iyo hay’adda Batroolka Soomaaliya islamarkaana aysan Puntland aqoonsan doonin midkoodna.

Madaxweynaha ayaa caddeeyay in Golaha Xukuumaddii dhacday aysan sharciyad u haysan magacaabidda Golaha Adeegga Garsoorka iyo hay’adda Batroolka Soomaaliya sidaas darteedna ay sharci-darro tahay magacaabistooda.

Sidoo kale wuxuu Dalalka Caalamka uga digay in aysan saxiixa Farmaajo ku iibsan Khayraadka Soomaaliya oo aysan heshiis ku ahayn Dadka Soomaaliyeed.

Hoos ka daawo Khudbaddiisa

PUNTLAND POST

The post Deni oo sharci-darro ku tilmaamay magacaabista Golaha Adeega Garsoorka iyo hay’adda Batroolka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this