Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Trump Oo Mareykanka Ka Mamnuucaya Isticmaalka Tiktok

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Washington)-Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Sabtida maanta ah ku hanjabay in uu gudaha Mareykanka ka hakin doono isticmaalka aaladda ay bulshadu ku xiriirto ee TıkTok, oo ah adeeg dhanka warbaahinta bulshada oo laga leeyahay dalka Shiinaha.

“TikTok waan ka mamnuucaynaa Mareykanka,” ayuu Trump Jimcihii u sheegay wariyeyaasha xilli uu ku safrayay diyaaradda Air Force One oo uu kaga soo laabanayay gobolka Florida.

Madaxweynaha ayaa shalay Sabtidii sheegay in uu adeegsan amar madaxweyne oo TikTok ka mamnuucaya Mareykanka. Laakin ma jiro ilaa iyo iminka wax tallaabo ah oo la shaaciyey.

Tallaabadan ayaa ka dambeysay ka dib markii ay hay’adaha amniga Mareykanka ay walaac ka muujiyeen amniga xogaha dadka Mareykanka ee adeegsada TikTok, xilli ay soo dhowaatay doorashada madaxtinimada Mareykanka ee bisha November.

Arrintan ayaa dhabarjab ku noqoneysa shirkadda warbaahinta iyo qalabka tiknoolijga ByteDance ee dalka Shiinaha oo leh TikTok.

Aaladdan ayaa noqotay tan ugu guulaha badan shabadaha warbaahinta bulshada ee Shiinaha, ka dib markii ay noqotay mid caalami ah tartanna la gashay Facebook, Instagram iyo Snapshot oo ah aaladaha caanka ah ee warbaahinta bulshada, kuwaasi oo dhammaantood laga leehay Mareykanka.

App-kan ayaa ah mid dunida caan ka ah. Waxaa lala soo degay ilaa 2 bilyan jeer dunida oo dhan, iyadooo 165 milyan oo ka mid ahna dadka la soo degay App-kan ay ku sugnaayeen Mareykanka.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this