Sign in to follow this  
Deeq A.

Fariin adag oo Dawlada Imaraadku u dirtay Dowlada Turkiga

Recommended Posts

Deeq A.   

Dawlada Imaaraadka Carabta oo Fariin adag u dirtay Dowlada Turkiga

anwar.jpg

Dowlada Imaaraadka Carabta ayaa ku eedeesay dowlada Turkiga in faragalin ku heyso arimaha Carabta xili khilaafka labada dal u dhexeeya uu sii kordhayo.

Wasiiru-dowlaha  arrimaha dibadda ee Isutagga Imaaraatka Carabta Anwar Gargash ayaa ugu baaqay dowlada Turkigu in ay joojiso faragelinta ay  ku hayso arrimaha Carabta.

Anwar Gargash ayaa si kulul u dhaleeceeyay hadalladii ka soo yeedhay wasiirka gaashaandhigga ee Turkiga oo dowlada Inaaraadka ku eedeeyay in faragalin ku heyso arrimaha Libya.

“Cilaaqaadyada laguma maareeyo hanjabaado, mana jirto meel aqbaleysa khiyaamooyinka gumeysiga cusub,” ayuu boggiisa Twitter-ka ku qoray Anwar Gargash.

التصريح الإستفزازي لوزير الدفاع التركي سقوط جديد لدبلوماسية بلاده. منطق الباب العالي والدولة العليّة وفرماناتها مكانه الأرشيف التاريخي. فالعلاقات لا تدار بالتهديد والوعيد، ولا مكان للأوهام الاستعمارية في هذا الزمن، والأنسب أن تتوقف تركيا عن تدخلها في الشأن العربي.

— د. أنور قرقاش (@AnwarGargash) August 1, 2020

Dowlada Turkiga ayaa taageerta dowlada Qaramada Midoobay aqoonsan tahay ee Liibiya halka Imaaraadka iyo Masar taageeraan maleeshiyaadka uu hogaamiyo Khalifa Haftar.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this