Sign in to follow this  
Deeq A.

Sanad kadib geeridii AUN Injineer Yariisow maxaa is badalay, maxaase lagu xusuustaa?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Magaalada Dooxa Caasimadda Dalka Qadar waxaa maanta oo kale ku geeriyooday AUN Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir iyo Duqii Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow.

Dhaawac halis ah ayaa kasoo gaaray qaraxii ka dhacay Aqalka Dowladda hoose ee Xamar 24-kii July 2019-kii, xiligaas waxa ay u fadhiyeen kulan ay uga hadlayeen xaaladda amni iyo isla xisaabtanka.

Diyaarad gaar ah oo ay soo dirtay Dowladda Qadar ayaa looga qaaday Magaalada Muqdisho, waxaana la sheegay in madaxa uu firir ka galay, xaaladdiisana aaan dalka waxba looga qaban Karin.

 “James Swan kusoo dhawow Muqdisho, waxaana rajeynayaa in uu kaalinkiisa ka qaato xoojinta howlaha muhiimka ah ee Qaramada Midoobay, ujeedka aan usoo dhaweynay waa mid muujineysa kaalinta shacabka Caasimadda” ayuu ahaa hadalkii ugu dambeeyay duqii Muqdisho, saacado kahor inta aan qaraxa Aqalka Dowladda hoose ka dhicin.

Waxa uu ahaa nin shaqo furan oo meelo kala duwan Dowladda kasoo shaqeeyay, waxa uu soo noqday Wasiirkii Warfaafinta, waxaa loo wareejiyay Gobolka Banaadir, sidoo kale waxa uu lasoo shaqaayay Xukuumadii dalka soo maray qaarkood.

Xukuumaddii Xasan Cali Khayre ayaa Xiligaas magacawday Guddi dalka keenna meydkiisa Duqii Muqdisho, aas u sameeya iyo diyaarinta goobta la dhinac dhigayo Marxuumka.

Xubnaha Guddiga ayaa kusoo qaaday diyaarad gaar ah oo nuuca Militariga ah oo kasoo qaaday Magaalada Dooxa, saddex cisho kadib ayaa lagu aasay Magaalada Muqdisho 4-tii Agoosto, waxaana ka qaybgalay mas’uuliyiin katirsan DFS, Ehelkiisa, Siyaasiyiin iyo dad aqoon u lahaa iyo asaxaabtiisa ah.

Mahdi Maxamed Guuleed (Qadar) oo haatan ah sii hayaha Xilka Ra’iisul Wasaaraha oo waqtigaas ahaa guddoomiyaha Guddigii aaska qaran ee Duqii Muqdisho iyo ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka ayaa ku sifeeyay qof wanaagsan oo leh la dhaqan bulsho.

“Inta aan kuwada jirnay golaha Wasiirada, markii loo wareejiay Gobolka Banaadir ilaa inta uu ka geeriyoonayay waxa aynu ahayn Saaxiibo wanaagsan, waxa uu astaan u ahaa dadka jecel in dalka uu meel wanaagsan gaaro” ayuu aaska kadib u sheegay Warbaahinta Mahdi Maxamed Guuleed.

Sadeex cishe kadib, munaasabad Duco ah ayaa lagu qabtay Garoonka Kubadda Cagta ee Banaadir Stadium (Koonis) oo isla maalintaas loogu magac daray (Garoonka Kubadda Cagta ee Injineer Yariisow).

9-kii August 2019-kii, Garoonka kubadda Cagta ee loogu magac badalay Duqii Muqdisho waxaa kulanka ducada ah ka qaybgalay Ehelka Marxuumka oo isugu jiray Hooyada dhashay, xaaskiisa iyo Carruurtiisa, Madaxda DFS, Siyaasiyiin xubno kale.

“Duqii Muqdisho iyo Guddoomiyihii Degmooyinka ee ku dhintay Qaraxa waxa ay ahaayeen Shuhado gacan ka xaqdaran dishay, marka laga hadlayo qofka uu ahaa Cabdiraxmaan, waxa uu kamid ahaa dadka kooban ee yaqaano sharciga, kala dambeynta iyo wadanimada” ayuu goobta ka yiri Madaxweyne Farmaajo.

Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada 1-aad ee Ciidamada qalabka Sida Gaashaanle sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa 24-kii bishaan sheegay in ayaan la xiri Karin kiis dacweedka qaraxii ka dhacay Aqalka Dowladda hoose ee Xamar sanad kadib.

“Waa in Dacwadda Gal dambiyeedkii lagu dilay Duqii Muqdisho Injineer Yariisow uu marwaliba furnaado oo uu kobcaa marwaliba ilaa laga gungaaro” ayuu yiri Guddoomiye Shuute.

Kadib geeridii Yariisow Isbadal weyn ayaa ku yimid shaqaalaha Gobolka, qaabka ay usoo gali jireen iyo aqoonsiyada la siiyo si dadka kale ay uga duwanaadaan, arrintaas waxaa lagu saleeyay maamulka cusub ee howsha la wareegay.

Sanad kadib Dowladda Federaalka maku guuleysan doontaa in ay Maxkamad horgeyso dadkii ka dambeeyay qaraxii Ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay Aqalka Dowladda Hoose oo ay ku nafwaayeen Guddoomiyihii Gobolka Banaadir, Guddoomiyaal Degmo, Agaasimayaal iyo lataliyaal la shaqeynayay, waxaana qaraxaas sheegatay Al-Shabaab.

Halkaan hoose ka daawo warbixintaan oo muuqaal ah


Xigasho: Mustaqbal Radio

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this