Deeq A. Posted August 1, 2020 Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa si weyn loogu so dhoweyey Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka. Xildhibaano tirsan Golaha Shacabka ayaa kusoo dhaweeyay Garoonka Aaden Cadde ee Muqdisho, waxaana uu ku biiri doona ololaha ka socda Muqdisho ee xilka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya. Madaxweyne Lafta Gareen oo kamid ah madaxda maamul Goboleedyada ee sida weyn uga hor imaaday qorshaha dowladda ee ah muddo kororsi iyo in dalka laga qabto doorasho qof iyo Cod ah ayaa la rumeysan yahay inuu Muqdisho u imaaday sidii loo qaban lahaa doorasho waqtigeeda ku dhacdo. Sidoo kale Lafta Gareen ayaa lagu wadaa in uu kala hadlo Dowladda Soomaaliya gurmadka Shacabka ku dhibaateysan degmada Afgooye. Madaxda Maamul Goboleedyada ayaa si isku mid ah shirkii Dhuusamareeb uga sheegay inaan la aqbali doonin dib u dhac ku yimaado doorashada dalka. Safarka uu Muqdisho ku imaaday Lafta Gareen ayaa kusoo aadayo xilli uu isna Muqdisho ku sugan yahay Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor oo la sheegay inuu xusul duub ugu jiro sidii xilka Ra’isulwasaaraha loo siin lahaa shakhsi kasoo jeedo Beeshiisa Habargidir. Villa Soomaaliya ayaa wado dadaal ay ku dooneyso inay ku kala jabiso madaxda Maamul Goboleedyada ee isku mowqifka ka noqday doorashada waqti dhawaan loo ballansan yahay wajiga seddexaad ee shirka Dhuusamareeb. Share this post Link to post Share on other sites