Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Trump oo saxeexaya amar culus oo Hawada lagaga saarayo Shebakada TikTok

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweyne Trump oo saxeexaya amar culus oo ka dhan ah Shebakada TikTok

Dowlada Mareykanka ayaa qorsheeneysa in dalkeeda gabi ahaanba ka  mamnuucdo isticmaalka App-ka shabakada Muuqaalada gaagaaban lagu baahiyo TikTok ee laga leeyahay dalka Shiinaha .

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa shaaciyay in dalkiisa ka mamnuucayo shabakada TikTok, waxa uuna Warbaahinta u sheegay dhawaana saxeexayo amar hawada looga saarayo Shabakada TikTok gudaha Mareykanka.

Dowlada Mareykanka ayaa la sheegay in ay ka cabsi qabto in shabakada TikTok oo leedahay shirkadda Shiinaha ee ByteDance, loo isticmmaali karo in lagu uruuriyo macluumaadka iyo xogaha gaarka ah ee dadka kunool Mareykanka.

tik.jpeg?resize=696%2C522&ssl=1

Afhayeen u hadlay TikTok ayaan waxbo kasoo qaadin amarka Trump ku mamnuucayo TikTok, waxa uuna sheegay in shirkadda ay ku kalsoontahay horayna ugu kalsoonayd iney ka gun gaari doonaan hadafkoodii ahaa iney Mareykanka ka helaan macaamiil badan.

Shabakada TikTok ayaa dadka isticmaala gudaha Mareykanka lagu sheegay in ay gaarayaan 80-Milyan oo qof, waxaana mamnuucida Mareykanka Tiktok ku yeelan doontaa saameyn xoogan.

Mamnuucida TikTok ee dowlada Mareykanka ayaa kusoo aadeysa xili uu sii kordhayo khilaafka u dhaxeeya dowladaha Mareykanka iyo Shiinaha, waxaana la sheegay in khilaafka labada dal sabab u noqonayo in Mareykanka dalkiisa ka manuuco shabakadan.

 

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this