Sign in to follow this  
Deeq A.

Kulan Ciyaareed Loogu Baroordiiqayo Duqii Hore Muqdisho Marxuum Eng.Cabdiraxmaan Yariisow Ayaa Ka Dhacaya Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Sanad ayaa iminka laga joogaa geeridii duqii hore caasimada Muqdisho ahaana guddoomiyihii hore Gobolka Banaadir marxuum Cabdiraxmaan Cusmaan Eng.Yariisow waxaana marxuumka lagu xasuustaa kaalintii uu ka soo qaatay dib u soo kabashada dalka.

61988926_1183304238670757_25376313045732

Magaalada Muqdisho ayaa lagu qaban doonaan kulan ciyaareed lagu maamuusayo wax qabadkii iyo da’daalka Gudoomiyihii hore Gobolka Banaadir marxuum En.Yariisow waxaana ciyaar xiiso badan wada ciyaaridoona kooxaha kala Madbacada Qaranka iyo naadiga Dowladda Hoose ee Muqdisho City Club.

0T8A1651.MOV.07_58_41_08.Still001-1024x5

17 July 2017-Marxuum Eng. Cabdiraxmaan Cusmaan Yariisow ayaa qeyb weyn ka ciyaaray soo celinta kooxda kubbadda cagta Madbacada Qaranka oo hoos tagta Wasaarada Warfaafinta wuxuuna xiligaa Eng.Yariisoow ahaa  Wasiirkii Warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska Dowladda Soomaaliya.
120201_002.00_00_37_10.Still002-1024x768

24 Novermber 2018-Eng.Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow waxa uu dib u soo celiyay naadiga Dolwadda hoose ee Muqdisho City Club waxayna kooxda MCC labadii sano la soo dhaafay kobac sare ka samaysay tartamada kubbadda cagta gudaha iyo dibadda.

120201_002.00_02_01_23.Still001-1024x768

Dowladda Soomaaliya ayaa August 2019 ugu magacdartay Eng.Yariisow garoonka kubbadda cagta Koonis oo ah kan ugu badan ee lagu qabto tartamo ugu waaweyn ee kubbadda cagta Dalka.

120201_002.00_03_06_14.Still003-1024x768

Ugu danbeyntii bahda isboortiga ayaa eebe ugu baray in uu janadii Fardowso siiyay Eng.Cabdiraxmaan Cusmaan Yariisow maadaam uu qeyb ka ahaa laaicbiintii hore naadiga LLP Jeenyo door wanaagsan ka qaatay dib u soo celinta kooxaha Madbacad Qaranka ,Muqdiaho City Club.

62186363_1184484455219402_13488581617584

Halkan Ka Daawo Warbixin Kulan Ciyaareedka Lagu Xusay Marxuum Eng.Yariisow

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this