Sign in to follow this  
Deeq A.

Geel jahwareeriyay Dalka Ruushka+Dadka oo Khadyaan ka taagan

Recommended Posts

Deeq A.   

Geel jahwareeriyay Ruushka

.

Dadka ku nool gobolka Astrakhan ee dalka Ruushka ayaa cabasho ka muujiyay 80 neef oo geel ah oo daaqayo halkaas.

Geelan oo uu leeyahay nin 83 jir ah oo la yiraahdo Yuri Serebryakov ayaa jahwareer ku reebay dadka ku nool ilaa saddex tuulo o ku yaalla gobolkan.

Waxay sheegeen in cabsi uu u horseeday geelan isla markaana ay uga baqayaan carruurtooda, sida uu wakaaladda wararka ee TASS u sheegay madaxa degmada.

Warka ku saabsan geela waxaa laga baahiyay telefishin
Warka ku saabsan geela waxaa laga baahiyay telefishin

Dadkan ayaa waxay dacwad ka gudbiyeen ninkii lahaa geela.

Xafiiska dacwad oogaha gobolka Astrakhan ayaa xaqiijiyay in dacwadda ay soo gudbiyeen dadkaas ay soo gaartay balse loo baahan yahay caddeymo ka hor inta aan tallaabo la qaadin.

Shacabka waxay ku eedeeyeen geela daaqayo halkaas in uu waxyeello soo gaarsiiyay deerta guryahooda iyo sidoo kale in uu burburiyay dhuumaha biyaha iyo gaaska qaada ee mara dhulkaas.

Ninka iska leh geelan ayaa ku anddacooday kaddib muddo 25 sanno ah uu dhaqanayay geela uusan haatan raaci karin maadama uu noqday qof da’ ah, sidaas darteedna uu doorbiday in uu faraha ka qaado.

Waxaa uu sheegay in uusan qaadi karin mas’uuliyadda dhibaatada uu geystay geela maadama geela uu jecel yahay dhirta iyo geedaha ku yaalla agagaarka tuulooyinkaas.

Sarkaal ka tirsan maamulka ayaa sheegay in ninka iska leh geelan hadda ka hor lagu riday ganaax, haatana lagu riday gaanax dhan 164 doolar.

Yuri Serebryakov
Yuri Serebryakov ninka leh geela

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this