Sign in to follow this  
Deeq A.

Mahdi Guuleed oo Xariga ka jaray qeyb cusub oo Hormuud ka dhistay Isbitaalka Banaadir (Sawirro)

Recommended Posts

Deeq A.   

Munaasabad xarigga looga jarayay furitaanka qeyb cusub oo ay dib u dhis ku sameysay Shirkada Hormuud ayaa lagu qabtay Isbitaalka Banaadir ee magaalada Muqdisho

Sii hayaha xafiiska Ra’iisul wasaaraha xukuumada federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa xarigga ka jaray, iyadoo ay wehlinayiin qaar kamid ah golaha wasiirada

Cali Sheekh Yaasiin (Cali Fadhaa) oo ah mas’uul katirsan Shirkada Hormuud ayaa ka war bixiayay heerarkii uu soo maray hirgalinta qeybtan cusub ee loogu tala galay in lagula tacaalo dadka qaba Covid-19.

Wasiirka Caafimaadka Xukuumada Federaalka Soomaaliay Drs Fowziya Abiikar Nuur oo iyana goobta ka hadashay ayaa uga mahadcelisay Shirkada Hormuud kaalinta ay kaqaadaneyso hormarinta adeegyada bulshada oo caafimaadku ugu horeeyo

Mahdi Maxamed Guuleed sii hayha xilka Raiisul wasaaraha dalka oo xariga ka jaray Isbitaalkaasi cusub ee lagula tacaalayo Covid-19 islamarkaana ay dib u dhis ku sameesay shirkada Hormuud ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsanyahay shaqada muhiimka ah oo shirkadda Hormuud dadka u heyso, wuxuuna tilmaamay dhismahaan Isbitaalka uu kusoo aaday xiligii loogu talagalay

Shirkada Hormuud oo ka duulaysa qatarta caafimaad ee uu xambaarsan yahay cudurka covid-19 oo saameyn xoog leh ku yeeshay wadamo badan oo caalamka ka mid ah ayaa u istaagtay hir-galinta xarun caafimaad oo lagula tacaalayo dadka uu soo rito cudurkaasi saf-mareenka ah.

Qaybtaan cusub ayaa loo dhammaystiray dhammaan agabyada caafimaaad ee qol waliba loogu tala galay, iyadoo loo dhisay qaab casri ah, waxaana dhistay Shirkadda dhismaha ee Buruuj.

Sawirro:

a2 a3 a4 a5 a6 a7

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this