Sign in to follow this  
Deeq A.

Khadar oo Xarigga ka Jaray qeybta karantiilka ee isbitaalka Banaadir

Recommended Posts

Deeq A.   

Sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa maanta xarigga ka jaray qeyb cusub oo laga hirgaliyay cisbitaalka Banaadir,isla markaana loogu talagalay karaantiilka nuucyada cudurada qatarta ah sida COVID-19 iyo kuwa kale.

Sii hayaha Ra’iisul Wasaarah  oo u mahad celiyay dhammaan intii ka qeyb qaadatay dhismaha iyo qalabeynta ayaa hoosta ka xariiqay in hadii ay iskaashadaan dowladda iyo ganacsatada Soomaaliyeed la gaari karo guulo waaweyn.

Wasiirka Wasaaradda caafimaadka XFS Fowsiya Abiikar Nuur ayaa ka mahadcelisay dadaalka shirkadda Hormud ay kaga qeybqaadatay dhismaha iyo qalabeynta Cisbitaalka Banaadir

Qeybta Karaantiilka cudurada sida COVID-19 ee Isbitaalka Banaadir ayaa la dhigay 300 oo sariirood oo 50 kamid ah ay yihiin kuwa loogu tala galay bukaannada xaaladoodu darantahay ee u baahan in si gaar ah looga taxadaro xaaladooda caafimaad.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this