Sign in to follow this  
Deeq A.

DF Soomaaliya oo war ka soo saartay duqeyn ka dhacday Jilib

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixisay duqeyn dhinaca cirka ah oo ciidamada Kumaandooska Soomaaliya iyo kuwa Mareykan ah ay ku fuliyeen gobolka Jubbada Dhexe.

Warka qoraalka ah ee ka soo baxay dowladda ayaa waxaa lagu sheegay in duqeyntaasi lala eegtay xero ciidan oo ku taalla meel u dhow degmada Jilib ee gobolkaasi.

Sidoo kale qoraalkan ayaa waxaa lagu sheegay in duqeyntaasi lagu dilay hal xubin oo ka tirsan Al-Shabaab, sidoo kale lagu dhaawacay mid kale.

“Duqeyntan ayaa lagu dilay hal (1) ka tiran xagjirka Alshabaab iyada oo lagu dhaawacay mid kale. Sidoo kale waxaa duqeyntan lagu burburiyey xero ciidan oo ay Al-Shabaab ku lahaayeen goobtaa.”ayaa lagu yiri war ka soo baxay dowladda federalka Soomaaliya.

Muddooyinkii la soo dhaafay ciidamada huwanta ayaa kordhiyey howl-gallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this