Deeq A. Posted July 29, 2020 Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Finish) ayaa kulan gaar ah ku yeeshay Magaalada Muqdisho. Labada mas’uul ayaa sida la sheegayo Kulankooda uga wada-hadlay Xaaladda Siyaasadeed ee Dalka iyo hirgelinta Wada-shaqayn dhexmarta Dowlad Goboleedka Galmudug iyo Maamulka Gobolka Banaadir. Sidoo kale waxay ka wada-hadleen Arrimaha ku gedaaman Xaaladda Kala guur ka ah ee ay marayso Siyaasadda Soomaaliya gaar ahaanna Arrimaha Doorashada soo socota. Madaxweynaha Galmudug oo maalmihii u dambeeyay ku sugnaa Magaalada Muqdisho ayaa halkaasi ka wada kulamo u la qaadanayo mas’uuliyiinta kala duwan ee Dowladda Federaalka. PUNTLAND POST The post Qoor Qoor iyo Cumar Finish oo Muqdisho ku kulmay appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites